Fanaan Abdi dhaanto oo Xabsiga la dhigay.

Muqdisho,Ciidamo ka tirsan Nabad sugida dowlada ayaa goordhaw xabsiga dhigay Fanaan lagu magacaabo Abdi dhaanto.

Fanaanka ayaa la sheegay in muuqaal facbook uu soo galay ku cambaareeyay dowlada qaabka ayay ula dhaqanto fanaaniinta gaar ahaan fanaankii ay dhawaan xirtay.

Abdi dhaanto ayaa ka mid ah fanaaniinta aadka u isticmaala baraha bulshada isla markaana u Hadla si aan asluub ku jirin.

Waxaa aad loo wada xusuustaa sida uu u hadlay mar uu cabasho ka ahaa wasiirada dhilinyarada iyo isboortiga Dowlada Federaalka Maama Khadiijo Mohamed Diiriye.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com