Madaxweynaha Soomaaliland iyo Xubno ka Tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo Ereyo Kulul Isdhaafsaday

Xaflad   lagu Qabtay magaalada Hargeisa ayaa  maanta Hadalo Kulul Waxaa isku dhaafsaday Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi, Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo  Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadani  Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Dhaliilo kulul u jeediyey Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, Wuxuuna sheegay inay Xukuumadiisu waxyaabo badan ku Fashilantay, Balse wuxuu si gaar ah Uga hadlay  Arinta Waxbarashada.

“Madaxwayne waanu kuu tirinaynaa Sanadkii Afraad waxaa kaa xiga 40-Habeen, waanu kuu tirinaynaa ,   Mashruucii Jidka Ceerigaabo, halkii uu taagnaa wax badan kama socon”. Ayuu yiri Xirsi.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka garaabay   in Xaalada Waxbarasho ee Soomaaliland aysan gaarin halkii laga rabay.

Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID  ayaa sheegay inaanu dhexgalaynin Xirsi  iyo Muuse Biixi oo Kulmiye wada ahaa, Wuxuuna tilmaamay inay yihiin Dameer iyo Daankiisa oo uu Ula jeeday in ay Isku Mid yihiin

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com