Dawlada Federaalka oo dib U Cusbooneysiisay Warqada Dhaawac Muujinta

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa dib u casriyayn ku sameeyay Xaashidda Dhaqtarka ee Dhaawac Muujinta, taaso xoojinaysa  Danbi-oogista, Danbi baarista iyo Cilmiga forensikada ee dhibanayaasha  Xad-gudubyadda ku saabsan Jinsiga.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr .Sulaymaan Maxamed Maxamuud, oo Daafuray Waraaqda Qiimaynta Caafimaadka oo ay ka qayb-qaleen Xubno ka socday Xeer-ilaaliyasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, ayaa sheegay waraaqdan lo diyaarsiyay qaab casri ah oo la jaan-qaadaysa Heerarka Caalamiga ah.

 Xaashidan dhaawac Muujinta ma ahan mid isticmaalkeedu uu ku cusub-yahay Dalkeena Soomaaliya, waa qayb ka mid ah hanaanka cadaaladda, horay ayayna u jiri-jirtay lkn markan aragnay caqabadeeheeda waxaan go,aansanay in aan casriyeeyno kana dhigno mid heer caalami ah. Waraaqdan waxaa laga isticmaali-doona Dalka oo dhan, waraaq kastana waxay leedahay tixraac u gooni ah. Waxaan rajaynayaa inay wax badan ka badali-doonto hanaanka Cadaaladda marka ay hirgasho”. ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha

Xeer-ilaaliye Dr. Sulaymaan, ayaa sheegay in u jeedka loo casriyeyay Xaashida dhaawac-muujinta, ay tahay in la waafajiyo Hannaanka Cariga ah ee Shaybaarka Cilmiyaysan ee lagu baaro Xad-gudubyada ku saabsan Jinsiga (Forensic Lab).

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xaashidan ay tahay mid hormarsan oo wadata tixraac lambar, islamarkaana loo isticmaali karo si fudud oo cid kasta fahmi karto dhammaan Qodobada ku qoran.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com