Qaramada Midoobay oo ka Digtay Macluul ku soo wajahan Dalal Soomaaliya ay ku jirto

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ay kusoo wajahan tahay macluul daran oo saameyn ballaaran ku yeelan karta dadka danta yar.

Warbixin uu la wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayuu ku sheegay in dalalka, Soomaaliya, Afghanistan, Burkina Faso, Nigeria, Congo, Yemen, iyo South Sudan ay wajahayaan macluul halis ah oo aad u daran.

Si kastaba ha ahaatee, gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay Daadad Xooggan ka dib markii Fatahaado ka soo rogmaday Wabiyada Shabeele iyo Jubba saameyn Xooggan ay ku yeesheen Taasi oo Keentay in Kumanaan qof ay ka barakacaan Guryahooda

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com