Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Magaalada Beledweyne

Wabiga Shabeelle ee dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafadaha magaalada, taas oo mar kale dadka ku qasabtay inay guryahooda ka baxaan.

Xaafadaha hawlwadaag, iyo Buundawayn ayey biyaha wabiga oo ka imaanaya karkaarada gudaha magaalada ay soo gaareen xalay ilaa saaka, waxaana sidoo kale dadka dagan xaafadaha Kooshin iyo dhagax jabis ay wal wal ka qabaan inay biyuhu soo gaaraan, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka Magaalada. Xaaladan cusub wali kama hadlin maamulka degmada iyo gudiga ka hortagga fatahaadda oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey hawlo carro-tuur ah ka waday tuulooyinka woqooyiga Beledweyne ee Heli-kaliyo iyo Qooqane

.Dhawrkii sano ee ugu dambaysay waxaa magaalada Baladweyne ku soo laalaabtay fatahaadda wabiga, taas oo hoos u dhigtay dhaqaalaha bulshada iyo wax soo saarkii beeraha

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com