Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Burcad dhac geysatay

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa kusoo kordhay falal amni darro, iyada oo xilliyada habeenkii Kooxo hubeysan ay dadka dhac u geysanayaan.

Taliska Booliska Kismayao ayaa sheegay in dad farabadan oo Shacab ah laga dhacay taleefoonadooda,isla markaana Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Gaashaanle Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgallo looga hortagayay Kooxaha Burcadda ah ee hubeysan,isla markaana tiro kamid ah ey gacanta ku soon  dhigeen.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in sidoo kale ay ku daba jiraan Kooxo burcadka ah oo habeen ka hor qof Shacab ah ku dhaawacay Gudaha Magaalada Kismaayo xilli ay ka dhacayeen taleefon.

 

Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay inay laamaha Ammaanka la Shaeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada oo maalmahaan cabasho uga imaaneysay.

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com