Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo u jawaabaty Mucaaradka iyo Xildhibaan mahad salaad oo isna Fariin u diray Mahdi Guuled

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeedkii maanta ka soo baxay 12-ka musharax oo sanadkan mid walba uu doonayo inuu qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya.
“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”
“Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya”
“Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray? Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed .
Dhan kale , Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa u jawaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo qoraal uu soo saaray ku dhaleeceeyey war-saxaafadeedkii ay ku mideysnaayeen musharaxiinta ugu caansan ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!”
“Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!” Ayuu yiri Mahad salaad.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com

Info@aragticusub.com