Maxay ka wada Hadleen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxa Hay’adda WFP e Soomaaliya?

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Durraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.
Kulanka oo ahaa midkii u horreyay ee wasiirka uu ku qaabbilo madaxa hay’adda WFP oo ah hay’ad iskaashi la leh Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ,waxaana lagu dardar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu wado.
Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo, ayaa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeysa,wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyay wasiirka , dadaallada lagu dhimayo faqriga iyo kobaca nolaleed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“WFP waa hey’ad ay wada shaqeyn ballaaran naga dhaxeyso, waxaana madaxa hey’adda oo aan kullankan isku barannay ku xoojiyay sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda oo uu ugu horreyo barnaamijka ay nagala shaqeynayaan ee Baxnaano oo ay wasaaraddu u wakiillatay hey’adda, daahfurnaantiisa iyo sidii waqtigiisa uu ku gaari lahaa dhammaan bulshada.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiir Durraan, ayaa sheegay in uu dadaal gelinayo sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u heyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna caddeeyay in diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada nugul iyo qorshayaasha taageerraya shaqo abuurka, xirfadaha iyo bad-qabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com