Rag hubeeysan oo deegaanka Xirsi Lugeey u dilay 5-qof oo shacab ah

Galgaduud (Aragticusub):- Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in degaan ka tirsan Gobolkaas Galabta rag hubeysan ay ku dileen dad Shacab ah, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysnaa oo ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay laba Gaari oo nooca dagaalka ah ay tageen Deegaanka Xirsi Lugeey oo ku yaal inta u dhaxeysa Guriceel & Balanballe balse u dhow degmada Balanballe ,iyaga oo rasaaseeyay dad ku sugnaa Guri ku yaalla degaankaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta ay ku geriyoodeen Shan ruux halka laba kale uu dhaawac culus gaaray, isla markaana falkaasi uu la xiriiro aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray Gobolka Galgaduud.

Dadka weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa kujira Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo dadka werarkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.

Dadka weerarkaasi lagu dhintay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Gaarane Xawil Samatar, Cabdi Xersi Carab Kaahiye, Cabdi yare Maxamed Ow Faarax, Cadawe Xersi lugeey, Ibnu Cali Dheere Xirsi Cawaale.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ayaa waayadaan kusoo kordhay degaannada Galmudug, iyada oo madaxweynaha Galmudug oo aheyd in uu wax ka qabto uu arrimo siyaasadeed u joogo Muqdisho.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”