Doorashada Madaxweynaha Hirshabeele iyo ku xigeenkiisa oo ka dhaceysa Magaalada Jowhar Hadaba Maxay kula tahay Aaragtidaada ?

Doorhada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo Magalaada Jowhar , waxaana  la  adkeeyay AmmaankaXaruunta  ay ka dhaceyso doorashada.
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ah mid aan la heyn xiiso badan , maadaama ay u taagan yihiin Afar Musharax oo kaliya oo kala ah
Musharax Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen
Musharax Madaxweyne Hirshabeele C/raxmaan Jimcaale Cismaan
Musharax Madaxweyne Kuxigeen Hirshabeele Maxamed Maxamuud Cabdule
Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar Dabageed
Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay doortaan qofkii hogaamin lahaa Hirshabeelre

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com