Taliye Xijaar oo Kormeeray Xaruumaha Ciidanka Booliska ee Magaalada Duusamareeb

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kormeer ku tagay saldhigayada iyo baraha koontaroolada ciidamada Booliiska ah ay ka howlgalaan ee magaalada Dhusamareb goobahaasi ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada oo waajibaadkooda gudanaya.
Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Nawaaxyigeeda .Shalay ayaa Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareb wuxuuna kulammo Mira-dhal ah la qaatay saraakiisha Milarariga ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug, ammaanka magaalada ayaana aad loo adkeeyey maadaama dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com