Dalal Badan oo Saxiixay in la mamnuuco Hubka nukliyeerka

Heshiis caalami ah oo lagu mamnuucayo hubka nukliyeerka ayaa waxaa ansixiyay 50 dal oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Dalka Honduras ay noqday dalkii 50-aad ee saxiixa heshiiska. Dukumiintigan taariikhiga ah oo dhaqan galaya 90 maalmood gudahood oo ku beegan 22-ka January.
Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayuu ku ammaanay dadaallada 50-ka wadan iyo u ololeeyayaasha bulshada rayidka ah ee la dagaalanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Heshiiska ayaa ah gunaanadka dhaqdhaqaaq caalami ah “si loogu soo jeediyo dareenka cawaaqib xumada bani’aadamnimo ee ka dhalan karta adeegsiga hubka nukliyeerka,” ayuu Guterres ku yiri war-murtiyeedka uu soo saaray af-hayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com