Xildhibaanada Cusub Baarlamaan Goboleedka Hirshabeele oo maanta la dhaarin doono

Magaalada Jowhar ee Xaruunta Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa la Filayaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaas.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele ayaa dhawaan ka dhici doonta magaalada Jowhar ee Caasimada gobolka shabeelaha Dhexe ahna Xaruunta Maamulka Hirshabeele
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com