Wasiiro hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif (SAWIRRO)

Wasiiro ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda oo hawlo shaqo u tagay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Wasiirka Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaaliy, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Boostada iyo Tiknoolajiyadda, Eng.Cabdi Cabshuur Xasan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa Talaadadii hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo ka mid ah Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Wasiiradan ayaa booqasho ugu tagay Ugaas Xasan, ka dib markii ay soo geba-gabeeyeen qiimayn, ay ku soo sameeyeen goobaha uu Webiga Shabelle kaga fatahay qaybo Magaalada Baledweyne.

Ugaas Xasan ayaa waxaa uu wafdiga Wasiirada kala hadlay, sidii ay Dowladda Federaalka wax uga qaban laheyd cabsida xoogan ee laga qabo, in webiga uu si weyn ugu wada fataho xaafadaha magaalada.

Ugaaska ayaa sidoo kale Wasiirada uga mahadceliyay salaanta ay ugu yimaadeen iyo dadaalada ay Dowladda Federaalka ku dooneyso inay wax kaga qabato fatahaadaha webiga.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maalin ka hor ku baaqay in la sameeyo biro xireen, si looga baaqsado in webigu ku fataho magaalada oo idil.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com