Sheekh Shariif oo ku baaqay in deg-deg loobaaro  sababha ay u burburtay diyaradii Bardaale ku dhacday

 

Diyaaradii maalinimadii shalay kusoo dhacday duleedka degmada Bardaale, oo la sheegay inay soo rideen ciidamada Itoobiya ayuu si kulul uga hadlay m/weeynihii hore ee soomaaliya shekh shariif shekh ahmed uga hadlay.

Waxa uu heegay in falka lagu soo riday diyaaradaas ee gantaalka loo adeegsaday uu yahay mid khatar ku ah hawada Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay xad gudub ku tahay xeerka caalamiga ah ee diyaaradaha rayidka iyo gurmadka bani’aadanimo ee ka socda Soomaaliya.

“Waa dhacdo halis iyo khatar ku ah hawada dalkeenna, taasoo aan u aragno mid xadgudub ku ah xeerka diyaaradaha rayidka iyo gurmadka dagdaga ah. waxaan canbaareeynayaa falkaas fooshaxun, Waxaa gantaal lala beegsaday diyaarad rayid ah oo daawo mucaawino Covid-19 kaalma u ah u siday magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray ehellada lixdii qof ee ku geeriyootay shilkaas diyaaradeed.

“Waxaa gabi ahaanba ku dhintay shilkaas dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo 6 qof kakoobna. Waxaan tacsi u dirayaa eheladii dadkii shilkaas lagu dilay, waxaan soo jeedinayaa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo, xaqiiqada soo baxdana shacabka lala wadaago” ayuu yiri.

Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa gaaray goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com