Dermark oo sheegtay in qaxootigii ugu badnaa iskaga carareen wadankeeda

 

 Denmark (Aragti cusub)- Wasaaradda Socdaalka ee Denmark ayaa dhawaan soo saartay warbixin ay isku barbardhigayo soo galootiga iyo muhaajiriinta ka tega dalkan iyo uwa yimaadam gaar ahaan sannadkii horre ee 2019.

Wasiirka Socdaalka ee arrintan masuulka ah Mattias Tesfaye ayaa ku tilmaamay isbeddalkaas “Mid Cajiib ah”

Waxay ahayd markii ugu horreeysay tan iyo sanadkii 2011 in dadka muhaajiriinta ee yimaada dalka kala duwanaadaan, waayo kuwa dib ugu laabanaya waddankooda ayaa badan.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa siiyaraanayay dadka muhaajiriinta ah ee dalka denmerk qaab qaxootinimo ku imaanay .

Qoxootida Denmerk iskaga cararay ayuu wasiirku shegay in asal ayaan kasoo jeedaan  Soomaaliya, Siiriya , Ciraaq iyo Boosniya halka ay wali baaqi ku siiyihiin wadamada Eatarea Itoopia, iyo Iraan.

Dowlada denmark ayaa intabadan ku ad,adag dadka soogalootiga waxa aynah dhoor jeer ku cel celisay in dadkaasi dib ugu celidoonaan wadamadi ay asal aha ka imaadeen.