Xisbiga KRF oo Doonaya in xil Wasiir loo Magacaabo Knut Arild Hareide.

Oslo,Xisbiga KRF ayaa wada dadaal uu ku doonayo in Hogaamiyahoodi xisbiga Knut Arild Hareide laga qeyb dhigo xukuumadaCusub.

Knut ayaa xilka Hogaanka KRF iska casilay markii Xisbiga u codeeyay in ay la shaqeeyaan FRP oo qeyb ka aheyd xukuumada Erna Solberg.

Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga KRF oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan talooyin ku aadan sidii Knut dib loogu soo celin lahaa siyaasada.

Hogaamiyaha Iminka ee Xisbiga KRF Kjell Ingolf Ropstad oo warbaahinta wax ka weydiisay ayaa arintaas ka gaabsaday balse qaar ka mid ah mas,uuliyiinta xisbiga ayaa rabitaankooda qarin waayay.

Knut ayaa wali ka hadlin arinta la xiriirta ka mid noqoshada Xukuumada Erna Solberg mar hadii meesha ka baxeen xisbiga FRP ee uu ka soo horjeeday in uu la shaqeeyo.

https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/zGPMb5/flere-krf-fylker-vil-ha-hareide-inn-i-regjering

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com