Safiikii Shiinaha u fadhiyay Israaìil oo meydkiisa qol dhaxdiis laga helay

Israaìil ( Aragticusub) :-Safiirkii Shiinaha u fadhiyay dalka Yuhuuda ayaa isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta dalkaasi.

Mr Du, oo 58  jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haadana lama garanayo sababta dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray dalka Ukraine.

warar kala duwan ayaa kasaa baxaayo qaabka oo ugeeriyooday Safiirka shinaha u qaabilsanaa Israìil .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com