Alshabaab iyo Ciidanka Amisom oo ku dagaalamay duleedka Magaalada Muqdisho

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Alshabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib weerar Alshabaab ay ku qaadeen sadhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow ee deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goob jooga yaal ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa wuxuu ku kooban yahay dhinacyada dagaalamay, lamana oga inta uu gaarsiisan yahay.

Inta badan dagaalyahanada Alshabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Shabeelada Hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com