Ra,iisal Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Isku soo sharaxay Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya

Ra,iisal Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Isu soo sharaxay qabashada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya , qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Face Buugga ayuu kaga hadlay Xasan Cali Kheyre Dawladnimada Soomaaliya iyo Dadaalkii loo soo maray Waxana uuna sheegay in Haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynenimo Soomaaliya uu Si Daacadnimo ay ku jirto uu ugu Adeegi doono Shacabka Soomaaliyeed

Qoraalka uu soo qoray Xasan Cali Kheyre ayaa u Qornaa sidaan.

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

Mahadsanidiin

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com