Axmed Madoobe oo Dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib Safar uu Shalay ku tagay Magaalada Kismaayo halkaas oo uu kaga soo qaybgalay Aaska Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Kismaayo Hadalo dardaaran ah U jeediyay  Laamaha Amniga Jubland Si ay baaritaan ugu sameeyaan qaraxii shalay ka dhacay Halkaasi ee uu ku geeriyooday Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubland oo maanta Medykiisa lagu Aasay Magaalada Kismaayo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com