Dhageyso :Ururada Bulshada Rayidka Maxay ka yiraahdeen go,aanka golaha shacabka.

Ururada Bulshada radyidka oo soo dhaweeyay Talabaada Golaha shacabka ee Ansixinta mataalada Siyaasadeed

Gudoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Ex banaadir Muxudiin Xasan Afrax ayaa soo dhaweeyay go,aanka Xildhibaanada Golaha shacabka ay ku Ansixiyeen Matalaada siyaasadeed ee uu gobolka banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare

Mudane Muxudiin Xasan Afrax ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada Golaha shacabka go,aanka ay ku meel mariyeen 13ka Kursi uu gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sare, Waxa uu Intaasi ku daray in arintaan ay tahay mid la sugayay oo ah talaabo hore loo qaaday