Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo war bixisay Tirada Dadka ka bogsooday Cudurka Covid19

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad farabadan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga  baaray 3,464 qof, isla markaana laga helay 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay cudurka, waxaana ka bogsaday 79 Ruux.

11 October 2020: Tirada la baaray Covid-19, 5tii maalin ugu dambeeyay Soomaliya: 3,464

Laga Helay: 119

Puntland : 99

Somaliland: 18

Banadir: 2

Lab: 83

Dhedig: 37

Bogsasho: 79

Dhimasho: 0

Tirada Guud ee Laga Helay: 3,864

Bogsashada Guud: 3,089

Dhimashada Guud: 99

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com