Aadan Barre Ducaale oo Dacwad lagu soo Oogay

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka dalkaasi, Aadan Barre Ducaale waxaa shalay looga yeeray Xafiiska Dembi-baarista Boliska Kenya ee DCI, iyadoo lagu soo oogay inuu Carruur Agoon ah oo ku nool Degmadda Garissa u qeybiyey Raashin dhacay.

Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u sheegeen inuu Xilshibaan Aadan Barre uu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay booqasho ku tegay Hoyga Carruurta Agoonta ee Najax oo ku taalla Xaafadda Buulo Iftin ee Degmadda Garissa, isla markaana uu Raashin dhacay ugu dhacay Xarunta Agoonta.

Wargeyska waxa uu ka soo xigtay ilo ku sugan Xarunta Agoonta in markii la furay Jawaanadda Raashinka ee uu Aadan Barre keenay lagu arkay waxyaabo madmadow, taasi oo walaac xooggan abuurtay, isla markaana ay ogaadeen inuu Raashinku yahay mid dhacsan o oaan la cuni karin.

Wargeyska Nation waxa kale ee uu qoray in Aadan Barre Ducaale oo ah Xildhibaan ka tirsan Xisbiga haya Talada Kenya ee “The Jubilee Party” uu Xarunta Agoonta ee Najax booqday bilowgii isbuucan markii ugu horreysay 15-kii sano ee uu Xildhibaanka ahaa.

Maareeyaha Xarunta Daryeelka Agoonta Najax ee Degmadda Garissa, Maxamed Nuur waxa uu u xaqiijiyey Wargeyska Nation in Raashinkii loogu deeqay oo ka koobnaa Bariis, Bur iyo Galley ay ahaayeen cunto dhacsan, isla markaana ay wax yar ku burburiyeen Xarunta Dhexdeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Aadan Barre Ducaale oo laga soo doortay Garissa waxa uu beeniyey inay isaga u yeereen Dembi-baarayaasha Boliska, waxaana uu hadalkaasi ku tilmaamay mid la been abuuray, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com