Ma Run baa in Axmed Madoobe uu diiday in uu soo Magacaabo Xubnaha Jubland uga mid noqonaya Gudoiga doorashooyinka Dalka ?

Wararka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, uu diiday inuu soo magacaabo xubnaha ee Maamulka Jubaland uga mid noqonayo, guddiyada doorashada iyo xilinta khilaafaad ee doorashada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Villa Somalia u sheegay in Jubaland aysan ka qeyb qaadan doonin doorashada Soomaaliya ilaa Gedo laga soo saaro ciidanka dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa.
Maamulka Jubaland ayaa diidan in ay dhacdo doorashada Soomaaliya ilaa ay dowladda ciidankeeda kala baxdo Gedo oo ay ku sugnaayeen bilooyinkii la soo dhaafay.

Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Gedo islamarkaana Axmed Madoobe taageersanaa, dagaal siyaasadeed oo weynaa la galay Madaxweyne Farmaajo, ayaa Axmed Madoobe ku dhaliiay inuu soo dhiciyay kuraasta Xildhibaanada beeshiisa ee u halgamay halka kuwii kale Farmaajo qoyskiisa ahaa islamarkaana isaga xigsaday uu dayacay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com