Turkiga Muxuu ka yiri Weerarkii shalay ka dhacay Dalka Faransiiska ?

Dowladda Turkiga oo Mudooyinkii dambe aan xiriir wanaagsan la lahayn dowladda Faransiiska, ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.
Weerarkaas oo toorrey loo adeegsaday ayaa lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.
Labadan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan.
Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.
Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid “wuxuushnimo ah” oo aan la aqbali karin waxayna sheegtay inay sida ugu xooggan u cambaareyneyso.
Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, kaas oo ka dhan ahaa “diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH”.
Faransiiska iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiisad xooggan kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u uku baaqay in “maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com