Dawlada UK oo shaacisay Alshabaab Lacago badan oo Canshuur ah Sanadkii ay ka qaadaan Dekadda Muqdisho

Dowladda UK ayaa walaac xooggan ka muujisay canshuuraha Alshabaab ay ka qaado ganacsatada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya
Danjiraha UK ee Qaramada Midoobay, Jonathan Allen ayaa sheegay in halis badan ay ka muuqato warbixinta guddiga amniga ee QM ka diyaariyeen Soomaaliya, gaar ahaan qaabka dakhliga ku hesho Shabaab.
Danjiraha ayaa xusay in arrintaasi ay qeyb ka tahay caqabadaha culus ee weli ka jira Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan horumar laga sameeyay dhinacyo badan, wuxuuna yiri “Waxaan u baahanahay in aan taageerno Soomaaliya oo aan si wada-jir ah uga shaqeyno la dirirka Al-Shabaab”ayuu yiri Safiirka UK ee Qaramada midoobay u fadhiya
Warbixinta QM ee dhawaan lagu soo bandhigay shir uu yeeshay golaha amaanka, ayaa daaha ka rogeysay in Shabaab ay 21-milyan ka hesho sanadkii canshuuro ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsatada magaalooyinka.
Dhinaca kale Dawlada Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlain warbixinta Golaha Amaanka ay kaga hadleen Canshuuraha ay sheegeen in Alshabaab ay ka qaadaan Dekada Muqdisho iyo Ganacsatada Kale ee Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com