Madaxweyne Muuse Biixi oo Munaasabad mahadcelin ah ku Maamuusay Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasabad xus iyo maamuus ah u qabtay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka tirsanaa ciidankii cirka ee dowladdii Jaalle Siyaad, Islamarkaana ahaa duuliyihii fulin waayay amarkii lagu siiyay in uu duqeeyo Magaalada Hargeysa.
Munaasibaddaas lagu xusayey kaalinta muhiimka ah ee uu Duuliye Axmed Maxamed Xasan kaga jiro taariikhda dadka Soomaaliyeed, oo xalay lagu qabtay madaxtooyada Hargeysa, taas oo uu abaabulkeeda lahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qaybgalay Guddoonka Golaha wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan Xukuumadda, siyaasiyiin, Taliyaal ciidan iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda waxa laga jeediyay khudbado kala duwan, oo ku saabsan xuska iyo maamuuska Go’aankii duuliye Axmed Maxamed Xasan, uu ku badbaadiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Hargeysa, kadib markii Taliskii Siyaad Barre ku amray in uu duqeeyo magaalada.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa si weyn ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan shacab ah iyo hantidooda.
Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxa uu guddoonsiiyey duuliyaha Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga dhisi doono guri isaga u gaar ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com