Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee gobolka ee Xaruunta Jubbada Hoose ayaa maanta lagu dilay Ganacsade caan ka ahaa magaaladaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Shigshigoow.
Ganacsade Cabdullahi Shigshigow ayaa ahaa maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo, waxaana toogatay koox Hubeysan oo maan la garan Heybtooda.
Dilka marxuumka ayaa ka dhacay Xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo , waxaana goobta isaga baxsaday raggii dilay oo ku hubeysnaa bastoolado.
Ciidamada Amniga Jubland ayaa Halkaasi Hawl gal ka sameeyay in kastoo aanay jirin ilaa hadda Cid loo soo qabtay Dalka Ganacsadahaasi
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com