Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliyaal Ciidan

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu xalay soo saaray Wareegto ujeedkeedu ahaa Magacaabis iyo Xilal-u-kala-bedel Taliyayaal Ciiddan.

Wareegtada waxaa lagu sheegay  in Taliyihii Ciiddanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneral C/xamiid Maxamed Dirir loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa sidoo kaloo lagu xusay in Taliyihii Ciiddanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Jeneral Cabaas Amiin Cali loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Labada Taliye ee uu Xilalka u kala wareejiyey u rajeeyey inuu Ilaahay u fududeeyo Waajibaadka Qaran ee loo idmaday.