Galmudug oo ka hadashay Dagaalo ka dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaciyay in Ciidanka Galmudug Guulo ka gaareen dagaal ay la galeen Alshabaab kaas oo ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb sido kalena Ciidanka Galmudug ay kusii jeedaan Ceelbuur.

Waxaa uu tilmaamay wasiir Falagle in Al-Shabaab ay ka dambeeyaan dagaal beeleedyada, iyadoo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo wiiqi lahaa howlgallada ka socda Gobolka.
Beelaha walaalaha ah ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, islamarkanaa Ciidanka Galmudug ay gaari doonaan maalmaha soo socda.

Waxaa uu tilmaamay wasiir Falagle in Galmudug ay la xisaabtami doonto dadka fulinaya dagaal beeleedyadda ka socda gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com