Axmed Madoobe oo shaaciyay sababta dib u dhaca shirkii ay Farmaajo la yeelan lahaayeen

 

Waxa aan ilaa haatan si rasmi ah isugu soo horfadhiisan wadahadalladii maalmahan ba laga dhursugayey in ay magaalada Muqdisho ku yeeshaaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, iyo madaxweyneyaasha dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Dib u dhaca shirkan ayaan xukuumadda federaalka ahi ilaa haatan war rasmi ah ka soo saarin, hase yeeshee madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal hayn maalmahan taagnaa oo ah in ay isaga iyo dhiggiisa Puntland diideen in ay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya.adoobe oo shaaciyay sababta dib u dhaca shirkii ay Farmaajo la yeelan lahaayeen

Axmed-madoobe oo sababaynaya sida uu u arko dib u dhaca shirkaas ayaa wuxu yiri:

“Waxaan iri hadii shalay Dhuusamareeb shirkii ahaa diidmadu ay ahayd niman baa ka maqan, in aan hadana anaga oo saddex ah intaan shirno hadhow aad na xamataan oo tiraahdaan aryaa day saddexdii qoyska ahayd baa hada wax shiraysee, masiirka iyaga maa ka talinaaya. Warkaasi war kale waaye, taas inaan shir intaan galno saddexdayadu komunikee soo saarno nooca doorashada ka soo hadallo, warqad kale aan soo saarnaa waxay macno tiraysaa nooca shirku yahay iyo imaatinkayagii iyo waxaba”.

 

Axmed Madoobe oo sidoo kale sheegay in ay ma huraan tahay in shirkani noqdo mid ay u dhan yihiin hogaamiyeyaasha dawlad goboleedyada idilkood si hehsiis is ogol ah looga gaaro doorashada Soomaaliya

. Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com