Dacwo ka dhan ah Kenya oo loo Gudbiyay Urur goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ahna Guddoomiyaha Urur Gobolleedka IGAD,  Waxaana Warqadan  looga hadlay faragelinta Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya,

Soomaaliya waxay sheegtay in IGAD shir ku qaban doonto dalka Jabuuti kaasi arrintan lagaga hadlayo, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha dibaddu.

Soomaaliya ayaa bishii hore u yeeratay Safiirkeedii u joogay Kenya, halka Safiirkii Kenya ku wargelisay inuu dalkiisa ku laabto, tallaabadaas oo loo arkayay mid dowladdu ay hoos ugu dhigtay xidhiidhkii Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya waxay dhowaan dalka ka saartay Safiirkii Kenya, Waxay sidoo kale u yeedhay Safiirkeedii Nairobi, Iyadoo Kenya ku eedaysan inay Faragelin ku hayso Arimaha gudaha ee Soomaaliya, Gaar ahaan maamulka Jubbaland.

Balse Dacwadda Soomaaliya ay hada ka Gudbisay Kenya ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweynaha Somaliland uu booqasho rasmi ah ku joogo  magaalada Nairobi, Islamarkaana la sheegay inuu la Kulmi doono Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com