Taliska Booliska Jowhar oo Amaro kasoo saaray Amniga

Taliska Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa soo saaray Amar la xiriira dhanka Amniga maadaama maalmo kooban ay inaga xigto todobaadka xorriyada.

laba xidigle Cali Muuse Axmed koo ka tirsan Booliska Magaalada jowhar ayaa sheegay in amniga Guud ee Magaalada uu yahay mid wanaagsan haatana ay qorsheynayaan inay si xoojiyaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu ku amrayo dadka leh goobaha Ganacsiga ee Magaalada Jowhar in qof walba uu goobtiisa horteeda ku xiro Calanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu  sheegay in Magaalada Jowhar ay mamnuuc ka tahay in lagu dhex-wato Gawaarida leh muraayadaha madow ee Neensalka, waxaana uu ku amray darawalada Gaadiidka inay ka fujiyaan, cidii amarkaas qaadan weysana ay tallabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com