Ciidanka Xoogga dalka iyo Al Shabaab oo ku dagaalamaya gobolka Shabeellaha dhexe.

Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi, Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka oo talaalada maanta ah u waramay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay 17-dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay dagaal ciidanka xoogga dalka iyo Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Shabeellaha dhexe oo ka mid ah deegaanada ay xoogganyihiin Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in maanta iyo ilaa shalay uu dagaalku ka socdo deegaanadda Araxlay, Cali Fooldheere, Qurac-Madoobe oo ka tirsan gobolka Shabaabeelaha dhexe.

“Qaybaha maanta ilaa shalay dagaalku ka socdo waa Araxlay, Cali Fooldheere, Qurac-Madoobe intaas ayaa hada dagaalku ka socdaa waana dhul keyn ama howd ah oo baryahaan dagaalku ka socday waxaana lagu dilay 17 dagaalyahan hadana dagaalka waa socdaa” ayuu yiri afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Afhayeenka oo sheegay in ay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa intaasi daray in ay hub ku furteen dagaalka ayna wali wadaan tiro koobka khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi, Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka, oo qiray in dagaalka ay u adeegsadeen hubka wax gumaada ayaa sheegay in dadka deegaanka ay fareen in ay ka fogaadaan deegaanmada ay dagaaladda ka socdaan oo dhamaantood hoostaga magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

“Dadka waxaan farnay in ay iskaga fogaadaan goobaha dagaalka hadii khasaare jiro dib ayaan ka soo sheegaynaa” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in ay dagaalka wadaan ciidanka xoogga dalka iyo booliska dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Afhayeenku masheegin hadii ciidanka Xoogga dalka Khasaare ka soo gaaray dagaalka iyo inta uu la egyahay.

Al Shabaab, dhankooda kama aysan hadlin dagaalka iyo sheegashada taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ah in ay dileen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Majiraan ilo ka madax-banaan Saraakiisha Dowladda oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray ciidanka Xoogga dalka iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Shabeellaha dhexe inkastoo maalmihii la soo dhaafay gobolka ay ka dheceen dagaalo xooggan oo dhexeeya ciidanka iyo Al Shabaab.

18June 2021, Al Shabaab weerar ku qaaday Deegaanka Biya-Cadde Gobolka Shabeelaha Dhexe oo waxa ay ku dileen ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka waxaana ku dhaawacmay weerarkaasi saraakiil uu ka midyahay Saneey Cabdulle.

3 June 2021, dagaalka ka socda gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ku dhintay AUN Gaashaanle Maxamed Cabdiwaxiid Faarax oo ahaa taliyaha ururka 6-aad ee guutada Gorgor ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com