Calaamadaha lagu garto coronavirus

Cudurka Corona wuxuu ku dhacaa sambabada, qofka ‘qufac qallalan’ ayu isku arkayaa iyo in qofka ay ku adkaato neefsashada.

Qufaca ayaa ah mid darran oo qaadan kara in ka badan hal saac.

Ku dhawaad 5 maalmood ayay qaadan kartaa in qofka uu ku dhacay fayraska Corona lagu arko calaamadaha, balse dhaqaatiirta waxay sheegeen in muddo ka badan maalmahaas la arki karo calaamadaha.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in muddo 14 maalmood ah ay soo bixi karaan calaamadaha cudurka.

Sidoo kale waxaa jiraa walaac ah in qofka uu cudurkan faafin karo ka hor inta uusan la xanuunsan.

Calaamadaha ugu waaweyn

  • Qandho daran
  • Qufac badan
  • Neefsiga oo aad ciriiri ah
  • Kuleel iyo lafa xanuun joogta ahXafiiska Wararka,Muqdisho

    Info@aragticusub.com