Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo shuruudo adag soo saaray

Dhuusa,mareeb, Musharaxiinta u tar tamaya xilka madaxweynaha Galmudug ayaa Galabta soo saaray shuruudo cusub.

ilaa Afar musharax oo kulan yeeshay ayaa sheegay in doorashada ka qeyb gali doonin ilaa shuruudahaas laga hirgaliyo.

Musharaxiintan oo Kala ah C/raxmaan Odawaa, Kamaal Guutaale, C/dheere iyo Weheliye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashada ka qeyb gali doonaan kaliya marka shuruudahaan la dhaqan galiyo.

1-In la xaliyo dhamaan muranada jira ee u dhaxeeya saamilayda Siyaasadda Galmudug.

2- In Ahlusunna Waljamaaca ay qayb Ka noqoto qaybaha dhiman ee doorashada.

3- In la baabi’yo guddiga doorashada Madaxwaynaha ee hadda jira iyo in la isukeeno saamilayda siyaasadeed Laguna heshiiyo waqtiga doorashada.

4-In gudoonka baarlamaanka uu xildhibaanada u ogolaado in ay si xor ah ula kulmi karaan musharixiinta Madaxwaynaha iyadoo aanay jirin wax cadaadis ah ama hanjabaad ah.

5-In Doorashadu noqoto xor iyo xalaal islamarkana gacan sadexaad ay goobjoog Ka noqoto.

lama oga sida shuruudaha qaar u dhaqan gali doonaan maadaama ay yihiin kuwo dhaqan galintiisa ay aad ugu adkaan doonto gudiga maamul u dhisida Gobolada dhexe.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com