Ra’iisul Wasaare Rooble oo la qadeeyay Caruurta Agoonta ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Caruurta Agoonta ee Booliska, halkaas oo uu waqti kula qaatay carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed, ayaa ku baaqay in la garab istaago caruurta agoonta ah.

Eng. Rooble oo mid mid u gacan qaaday agoonta ku nool xarunta, lana qadeeyey ayaa ka waraystay xaalkoodu, daryeelka iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in agoontu ay u baahan yihiin taageero iyo is garab istaag, isla markaana ay dowladdu mar walba diyaar u tahay sidii ay caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Waxaan mar walba u taagannahay gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay kaalintooda maamulka gacanta ku haya xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed, waxuna kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan barbaarinta iyo waxbarashada agoonta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com