Mareykanka” Lama aqbalayo doorasho hal dhinac ah”

 Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay ka fiirsato qabashada doorasho hal dhinac ah oo dhalin karto muran iyo qalalaase Siyaasadeed.

War kasoo baxay Safaaradda ayaa looga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in uu kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaahsii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan iyo siyaasiyiin kale.

Dawladda federaalka, maamul goboleedyada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo lagu doonayo in laga gaaro heshis khilaafka ka jira doorashooyinka dalka.