Sii haayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Aqoon yahan Marxuum Axmed Xijji oo ku geeriyooday Dalka Finland

Sii hayaha Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida ku timid aqoon yahan Dr.Axmed Maxamed Wehliye Axmed  Xijji oo ku geeriyooday Magaalada Helisinka ee Dalka Finland

Sii haayaha Wasiirka Waxbarshada ayaa Uga Tacsiyadeeyay  geerida Dr. Axmed maxamed Wehlie Dr. Xijji oo kaalin ka soo qaatay Tayeeynta  dib u sixida Erayada Afka Soomaaliga Isaga oo Alle Uga Baryay in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Eheladii , qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday ayuu yiri, i Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Face Buugga

                                 Qoraalka ayaa u qornaa sidaan:

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan bahda waxbarashada uu ka baxay AUN. Dr. Ahmed Mohamed Wehliye (Axmed Xijji) oo ku geeriyooday magaalada Helsinki ee dalka Finland. Wuxuu qeyb weyn kasoo qaatay qoraalka iyo eray bixinta luqadda Afka-Soomaaliga, wuxuuna ahaa xeeldheere waxbadan ku soo kordhiyay waxbarashada dalka. Waxaan Alle ka baryayaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan naga siiyo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com