Isgoysyada Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Waxaa guud ahaan saaka xiran Wadooyinka u dhow Xarunta Aqalka Sare oo gaar ahaan laga bilaabo Isgoyska Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Isgoyska kale ee Maana Booliyo, waxaana lagu arkayaa Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo Gaadiidka u diidaya inay isticmaalaan.Sidoo kale waxa xiran wadada ka timaada dhanka garoonka  Eng, Yariisow ee soo hormarta xerada gaadiidka booliska Shacabka ayaana waxa ay yihiin kuwo lugeynaya oo cagtooda maalaya,waxaana qaarkood ay sheegeen inay dhibaato ku tahay wadooyinka la iska xirayo Sababaha ugu wyen ee Isgoysyada Maanta loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxwaynaha Maamulka puntland Saciid Cabdullaahi Deni  uu Maanta kulan la yeelanayo  Guddiga Joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka soomaaliya

 

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlayaa arimaha doorashooyinka ,marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo , iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha u qabsoomay mudadii ay xilka haaye Guddiga joogtada ah fariimo loodiray ayaa lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka oo furmaayo 11:00 barqanimo ee maanta.

 

Aqalka Sare ayaa khilaaf xooggan kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo oo ay horay ugu eedeeyeen in uu baalmaray Sharciga, I kastoo eedeyntaas ilaa iyo hadda aysan ka jawaabin Madaxtooyada Villada Soomaaliya.en

Xafiiska Wararka JOWHAR

 

Info@aragticusub.com