Tifaftirihii Warbaahinta Goobjoog Media oo goordhaw xabsiga lagasii daayay

Waxaa goor dhoweyd xabsiga laga sii daayey C/casiis Axmed Gurbiye ka  dib markii  xabsiga u taxaaben ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay. Sii deynta Weriye C/casiis Gurbiye ayaa ah mid damiin ah, waxaana dadaal u galay dad kala duwan oo arrintiisa ku howlanaa, iyadoo goor dhoweyd uu damiin uga soo baxay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Gurbiye ayaa maalintii shanaad u xirnaa dowladda Soomaaliya, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya la sheegay inay soo dacweysay, waxayna xeer ilaalinta dalka ku soo eedeysay inuu meel uga dhacay sharafta Madaxweynaha dalka.

Maxkamada gobolka Banaadir oo khamiistii la horkeenay weriyaha ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo Gurbiye ka dib markii ay sidaas codsatay xeer ilaalinta guud ee qaranka si dacwadiisa loo soo dhameystiro.

Siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dad ka mida qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dowladda ka dalbaday inay xoriyadiisa u soo celiso weriyaha, iyadoo illaa hadda dowladu aysan war ka soo saarin qaabka loo sii daayey iyo in laga tanaasulay dacwadii loo heystay iyo in kale.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com