madasha Xisbiytada Qaran oo soo dhaweeyay Qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

Qoraal kasoo baxay madasha xisbiyada Qaran ee uu  hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagusoo dhaweeyay qodobada kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxayna si gaar ah u soo dhaweeyeen in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay iyo in lagu heshiisyo nooca doorashada.

Madasha ayaa soo jeedisay in shirka 15-ka Agoosto lagu balansan yahay Dhuusamareeb la ballaariyo oo laga qeybgaliyo saamileysa siyaasadda ee saameynta leh.

Dhanka kale xisbiyada Wadajir iyo Sahan oo ay kala hoggaamiyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iyagu war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku soo dhaweeyay qodabada shirkii Dhuusamreeb ee Madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Xisbiyada Sahan iyo Wadjir ayaa soo jeediyay in wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka noqdaan xisbiyada siyaaasadda, si geedi socodka doorshadu u miro dhalo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com