Tuulooyin ka Tirsan Magaalada Jowhar oo uu webiga ku Fatahay

Wararka ka imaanaya Magalada Jowhar ee Xaruunta gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga shabeele uu fatahaad ka geystay Tuulooyin Hoostaga Magaalada Jowhar

Wabiga ayaa Wararka ay sheegayaan in uu ku Fathay Tuulada Baareey waxana ay keentay in Dadkii Deganaa halkaasi ay isaga baracaan waxana saameyn uu ku yeeshay Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isag kala goosha Tuulooyinka kale ee ku Teedsan Tuulada Baareey

Ma jiron War ka soo baxay Maamulka gobolka shabeelaha Dhexe iyo kan Degmada Jowhar ayaanan ka hadlin Fatahaada Wabiga uu ka geystay Halkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com