Turkiga oo digniin u diray Dawlada Masar

Dawladda Turkiga ayaa  Masar uga digtay inay dab ku ciyaarto, waxayna arintaan ka dambaysa, kadib markii Baarlamanka Masar uu meel-mariyey suurta-galnimada in ciidamo la geeyo meelo ka baxsan xuduudaha dalka,

Ka dib markii madaxweyne Cabdifataax Siisi uu ka hadlay inay dhici karto in howlgal militari ay ka fuliyaan dalka Liibiya, Wuxuuna horay uga digay ku siqitaanka ciidamada dowladda Libya ee magaalada Sirte.

Xiisadda Colaadeed ee ka taagan dalka Liibiya ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa, waxaana laga cabsi qabaa inay ku dagaalamaan quwado shisheeye oo kala taageeraya dhinacyada dalkaas isku haya.

Dawladda Masar oo ay wehliyaan Imaaraadka Carabta iyo Ruushka waxay taageertaa ciidamada uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar, halka dowladda Libya ay taageero ka hesho Turkiga iyo Qadar.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com