Yaxaas loogu magac daray Osama Bin Laden oo 80 qof ku cunay hal tuulo.

Victoria:-Yaxaas dilaa ah ayaa loogu magac daray hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama Bin Laden, kaasoo 80 qof ku cunay harada Victoria ee dalka Ugandha oo intiisa badan ku noolaa.

Yaxaaskaani ayaa cabsi ku beeray tuulada Luganga ee harada uu ku nool yahay ku taal intii u dhaxeysay 1991 ilaa 2005., waxaana la rumeysan yahay inuu ka weyn yahay 75 sano jir, dhirirkiisuna waxaa uu dhan yahay 16ft

Kalluumeysatada harada Victoria ayaa naftooda ugu baqay Yaxaaskaan loogu magac daray Osama Bin Laden, kaasoo doomaha kalluumeysi ku baada xiliyada ay jilaabeysanayaan, wuxuuna dhowr qof uu sidaasi ku laqay xili ay jilaabeysanayeen.

Wargeyska The Sydney Morning Herald ayaa soo tabiyay in Paul Kyewalyanga oo ku safrayay doontiisa isaga iyo walaallkiis Peter oo uu arkay Yaxaaska Osama oo si deg deg ah u dafay Peter oo doonta qeybta danbe ka saarnaa, laakiin nasiib daro ma uusan caawin karin walaalkiis, maadaama doontii ay biyaha gashay isagiina uu halis galay.

Hadda Osama Bin Laden waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo, lana geeyay xerada Uganda Crocs ee lagu xannaaneeyo si loogu isticmaalo inuu sameeyo taran si maqaarkiisii loogu iib geeyo dalalka China iyo Talyaaniga oo looga sameeyo boorsooyinka Fashionka ah ee xaragada ah, waxaana la filayaa in 5,000 ay ka farcamaan faraciiba.

Sababta Yaxaaskaan loogu magac daray Osama ayaa ah xasuuqa ba’an iyo ugaarsiga uu ku hayay dadka tuulada Luganga iyo harada Victoria.

Ali Muhiyaddiin Ali.
info@aragticusub.com