Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshe oo lagu dilay duleedka Degmada Balcad

Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa ka Tacsiyadeeyay Geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow oo ka Tirsanaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kaas oo maanta Al-Shabaab gaari kala dageen, kaidbna ay dileen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay EhelladaXildhibaan Maxamed maxamuud Siyaad Xuurshe ,isaga oo Alle uga baryay in uunaxariistii janatul  fardowso ka waraabiyo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan khataraha uga imaan kara Shabaab xilliyada ay ku socdaalayaan wada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.

Hadal ka soo baxay Gudoomiyaha baarlamaanka hir shabeele ayaa ku soo aadaya iyada oo maanta duleedka degmada Balcad lagu dilay Xildhibaan maxamed maxamuud Siyaad oo ka Tirsanaa Baarlamaanka hir shabeele waxana dilka Xildhibaankaasi sheegatay Alshabaab