Qaar ka Tirsan dawlad goboleedyada dalka oo magacaabayGudiga Farsamo doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, kaas oo ka soo tala-bixin doona Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni , ayaa lagu magacaabay labada xubnood oo kal ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle.

Sidoo kale Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay magacaabay labada xubnood ee Jubaland ku matali doona Guddiga farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kaas oo ka soo tala-bixin doon Hannaanka ay qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Dalka.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu labadaasi xubnood u magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni iyo Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Maamulkaas Xamze Cabdi Barre.

Dhinaca kale

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay labada xubnood ee Guddiga Farsamada Doorashada ku matali doona Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare wuxuu labadaasi xubnood u magacaabay  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Hirshabelle Cabdule Maxamed Faarax Makaraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com