Fannaanad xijaabka ku heesta oo dadkedu u yaqaannaan ‘Shaydaantii’ Foosha Xumeed.

Aminata Gaye oo ah fannaanad heesaha Rap-ka ku luqeysa oo u dhalatay waddanka Senegal alaa shacbiyad ballaaran ka heshay fanka, waxaana ay heestaa iyadoo maduxu u daboolan yahay, maadaama ay muslimad tahay.

Magaca ay Fanka u isticmaasho waa Mina la Voilée (Miinadii xijaabnayd), waxaana ay ku nooshahay caasimadda Senegal ee Dakar.

Gabadhan 27 jirka ah ayaa waxaa heesaheeda dhegeysta inta badan dhallinyarada Senegal, iyadoo dalkani Afrikada kale kala siman yahay in ay raggu hoggaamiyaan dumarkuna guryahooda badarka ku kariyaan, carruurtana korsadaan ay arrintani aad uga soo hor jeesteen.

Gudaha dalka ayaa gabadhani waxaa marka laga reebo inta taageerta looga yaqaannaa ‘Shaydaantii’, mar iyada la weydiiyayna waxay sheegtay in aysan shaydaan ahayn oo ay tahay fannaanad, xijaabkuna uu yahay wax ay ku soo kortay oo ay xiran jirtay tan iyo yaraanteedii.

Mina oo fanka ku soo biirtay 2017 ayaa waxay qayb ka tahay ‘Genji Hip-Hop’ oo ah dallad ay ku mideysan yihiin illaa 70 dumar ah oo reer Senegal ah oo heesaha Rap-ka, fannaaniin, DJ-yaal iyo abwaanno isugu jira, iyadoo sidoo kalena hoggaamisa urur u dooda xuquuqda haweenka, gaar ahaan arrimaha la xiriira kufsiga.

Waddankeenna Soomaaliya ayaa fannaaniinta dumarka ah waxaa qaarkood ay ku heesaan xijaabkooda (iyagoo maduxu u daboolan yahay) halka qaarkoodna ay timahooda banneeyaan.

Xigasho Bbc-Somali