Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley wadanka Giriiga.

Koox ku hubayneed tooreey ayaa lagu soo waramayaa in magaalada lesvos ee dalka Giriiga ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyee oo lagu magacaabi jiray Axmed kaass oo dhawaan halkaas qaab tahriib ahaan ah ku galay.

Dilka wiilkaan yar ayaa la sheegay in ay geysteen dhalinyaro kale o Soomaali ah isla markaana ay haatan baadi goobayaan Booliisku si cadaaladda loo horkeeno,iyada oo dhowr Tooreey ah lala dhacay wiilka la dilay.

Qaar ka tirsan Soomaalida ku nool Gariigga ayaa shegay in ay dareemeen cabsi badan kadib markii ay maqleen dhacdadaay,inkasta oo aysan aheyn markii ugu horeysay ee muwaadiniin Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo dalkaas.
Wadanka Giriiga iyo wadamo badan oo ku yaalla Caalamka ayaa waxaa inta badan dhibaatooyin kala duwna loogu geystaa Soomaalida ku nool,kuwaas oo aan badankood cadaalad helin.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com